BBC News, Somali - War
Wararka ugu waaweyn
Shirkadda ugu weyn lacagaha digitalka adduunka Binance ayaa la jabsaday
$6.3 bilyan oo doolar ayaa shirkadda Binance laga xaday, waxay sheegtay in ay kala bar soo celisay
Yaa ka dambeeya weerarka lagu jabsaday madasha lagu kala iibsado lacagaha cryptocurrency?
Lacagaha loo yaqaan cryptocurrency waa hanti dijitaal ah oo aan lahayn qaab muuqaal ah sida lacagta caddaanka ah ama qadaadiicda
Maxaa ku soo kordhay xaaladda Mooyaale iyo waxa laga yiri
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ku dhowaad 50,000 oo qof ay u qaxeen dhanka xuduudda Kenya, kaddib dagaallo rabshado wata oo toddobaadkii hore ka dhacay Mooyaale.
Maxaan ka ognahay falalka lagu beegsanayo Oromada ee ka dhacay Boorama?
Mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa ku qiyaasay in ilaa 5,000 oo Itoobiyaan ah ay isugu soo baxeen garoonka diyaaradaha Boorama, oo ay sugayaan mas'uuliyiinta inay go'aamiyaan waxa xiga ee dhici doona.
Wararkii ugu dambeeyay ee xiisadda u dhaxeysa Xuutiyiinta iyo Sacuudiga oo cirka isku shareertay
Sacuudiga ayaa cambaareeyay weerarrada kooxda, isagoo sheegay in tirada weerarrada lagu qaaday garoonka ay lix gaartay maalmo gudahood.
Muxuu yahay baasaboorka cusub ee Soomaaliya yeelanayso, muxuuse uga duwan yahay kuwii hore?
Muddo dheer ayay mushkilad ka taagnayd in qofka la caddeeyo dhalashadiisa, iyadoo marka hore aan la hayn xogta muwaadinka oo dhamaystiran, hayeeshee wali waxa socda diyaarinta iyo hirgalinta shuruucda iyo hab raacyda lagu xoojinayo nidaamka aqoonsiga qofka.
Turkiga iyo Qadar miyaa ku lu leh doorashada Israa'iil?
Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Beeniyaamiin Netanyaahu, ayaa xisbiyada Carabta ee ka qaybgalaya doorashada Israa’iil ku eedeeyay in codadka laga xaday sababo la xiriira faragelin ay sameeyeen quwado shisheeye.
Carruur Kiro Ah: Waayeelka Shiinaha ee kireysta Ubad ay si KMG ah uga weheshadaan kelinimada
"Dhibaatadii ugu weyneyd shaki la'aan waxay ahayd kalinimada. Mararka qaarkood haddii aan doonayo inaan qof la hadlo, waxaan la hadli jiray telefishinka," ayay tiri.
Sida baraha bulshadu ay u noqdeen shidaal sii ololinaya dagaalka ka socda Mooyaale
Iyadoo ay weli socdaan dagaallada dhimashada sababay ee u dhexeeya bulshooyinka Oromada iyo Soomaalida ee ku nool agagaarka magaalada Mooyaale ee koonfurta Itoobiya, ayaa waxaa baraha bulshada ka socda loollan kale oo la xiriira wararka iyo eedeymaha ay dhinacyadu isku jeedinayaan.
Ruushku ma noqon karaa dhexdhexaadiye ay ku kalsoon yihiin Eritrea iyo Itoobiya, muxuuse u dhex galayaa labadan dal
Wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka ayaa yiri "dhibaato kasta oo soo dhex gasha Itoobiya iyo Eritrea waxaa lagu xallin doonaa niyad wanaag" iyo "heshiis dheellitiraya danaha labada dhinac."
Waxyaabaha ka dambeeya colaadda ka taagan Mooyaale
Baraha bulshada ayaa labada dhinacba lagu faafinayaa muuqaallo iyo qoraallo sii hurinaya xiisadaha.
Doon Soomaali u rarneed oo lagu weeraray Marinka Hormuz
Mas'uuliyiinta shirkadda doontaasi u rarnayd ayaa xusay in hadda doontu ay quustay, balse la badbaadiyey badmaaxayaashii la socday, walow labo ka mid ah ay weerarka ku dhaawacmeen.
BBC Somali kala soco TikTok
Ugu hor hel wararka iyo xogta naadirka ah
Wararka Soomaalida iyo Qurbaha
Fan iyo Dhaqan
BBC Somali waxaad ka heli kartaa WhatsAPP
Diin iyo Taariikh
Xul
Taliyaha ciidanka Itoobiya oo sheegay in la qabtay hub ay lahayd TPLF oo ka yimid Massawa
Hadalka Gen Birhanu Jula ayaa inta badan diiradda lagu saaray dagaallada billowday 13-kii Febraayo, iyo in ciidamada federaalka iyo xulafadooda ay la wareegeen magaalooyin ka tirsan gobolka Tigrayga.
Culeys intee la eg ayay Ilhaan wajahaysaa, maxaase dhici kara?
Trump oo Ilhaan edeynteeda iyo dhaleeceynteeda ay joogto u tahay ayaa shalay sheegay in Ilhan Cumar oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga ee Minnesota ay wajihi karto xabsi
Waa kuma Gadi Eisenkot, janaraalka hawlgabka ah ee hurdada u diiday Netanyahu?
Ra'yi ururin la sameeyay ayaa muujisay in isbahaysiga xisbigiisa Likud ee xulufada la leh xisbiyada Yuhuudda ee midigta fog iyo kuwa xagjirka ah ay ku guuldareysan karaan inay helaan aqlabiyadda baarlamaanka.
Abiy Ahmed oo sheegay in Eritrea wajihi doonto cawaaqib xun hadii ay sii waddo 'ku tiirsanaanta wadamada kale'
Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa sheegay in Itoobiya ay doonayso nabad ay la yeelato Eritrea, isla markaana ay rabto inay noqoto lamaane dhanka horumarka ah; hase yeeshee, wuxuu xusay in Eritrea "ay la kulmi doonto cawaaqib xun haddii ay sii waddo ku tiirsanaanta ciidamo kale, oo ay ku sii socoto waddadeeda burburka ah."
Trump oo mar kale wax ka sheegay Soomaaliya kuna dhawaaqay in Ilhaan Cumar ay wajihi karto xabsi
Wargeyska Wall Street Journal ayaa baahiyay in maamulka Trump uu doonayo inuu ka noqdo muwaadinnimadeeda ugu dambeynna uu musaafuriyo.
Maxaa ilaa hadda laga ogyahay baaritaanka kiis-ciqaabeedka Ilhaan Cumar
Baaritaankani wuxuu daba socdaa hadallo dhowr ah oo ka soo yeeray mas'uuliyiin, kuwaas oo shaki gelinaya dhalashada Mareykanka ee Ilhaan Cumar
Trump oo banaabax ka dhacay Ohio ku weeraray muhaajiriinta Soomaalida ah
Hadalka Trump wuxuu yimid isla maalintii ay saraakiisha Amniga Gudaha baaritaan ku sameeyeen guriga Washington ee Xildhibaanadda Dimuqraadiga ah Ilhaan Cumar
Israa'iil ma waxay muran kala dhex dhigtay Turkiga iyo waddan uu saaxiib dhaw la yahay muddo dheer?
"Labo waddan, hal qaran." Tan iyo sannadihii 1990-meeyadii, halkudhiggan ayaa astaan u ahaa xiriirka dhow ee ka dhexeeya Azerbaijan iyo Turkiga, dad badan oo ku sugan Baku-na waxay Turkiga u arkayeen xulafo siyaasadeed iyo mid militari. Ilham Aliyev ayaa dhowr jeer uga mahadceliyay Turkiga taageerada uu u fidiyay dagaalkii Karabakh, waxaana waddooyinka Baku laga taagay calanka Turkiga.
Maraykanka oo soo saaray amar maxkamadeed si ehelada Ilhaan Cumar su'aalo loo weydiiyo
Ilhaan walaasheed Sahra Nuur ayaa heshay warqad amar maxkamadeed ah, ayadoo ugu yaraan hal xubin oo kale oo ka tirsan qoyskeeda amarkaas loo diray
Saraakiisha hay'adda socdaalka Maraykanka oo baaray guriga Ilhan Cumar
Saraakiisha hay'adda socdaalka ee Mareykanka ayaa baaray guriga Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka soo gasha Minnesota subaxnimadii Isniinta taa qayb ka ah "baaritaan dambiyeed".
Baaq ka soo baxay shirka El Alamein ku dhex maray madaxda Soomaaliya, Masar, Suudaan iyo Eritrea
Madaxda shirka ka qayb gashay waxay isku raaceen in arrinta Badda Cas ay tahay arrin u gaar ah oo ay maamulkeeda leeyihiin oo kaliya dalalka xeebta ku leh, iyagoo mar kale adkeeyay muhiimadda xorriyadda marista badda.
Waa tuma Sagal Cabdi Wali, oo ku guulaysatay kuriga ra'iisul Wasaarihii hore ee Uk?
Sagal Cabdi-Wali, oo hoggaamisa golaha deegaanka Camden, ayaa kursiga ku guulaysatay iyadoo heshay 12,292 cod. Hase yeeshee, aqlabiyadda xisbiga ayaa hoos uga dhacday 11,572 cod ilaa 3,364 oo cod.
Barnaamijyada Idaacadda
Listen Next, Idaacadda Subaxnimo 2 Nofembar 2026, 07:00, Muddada 29,00
Barnaamijka aroornimo ee soo bandhiga wararka gogoldhaca u ah maalinta iyo cayaaraha.
Dhageyso, Dunida Iyo Maanta 30 Oktoobar 2026, 16:59, Muddada 1,00,00
Barnaamij aan ku eegno wararkii ugu dambeeyay ee caalamka iyo Soomaalida.
Dhageyso, Idaacadda Subaxnimo 30 Oktoobar 2026, 07:00, Muddada 29,00
Barnaamijka aroornimo ee soo bandhiga wararka gogoldhaca u ah maalinta iyo cayaaraha.
Dhageyso, Dunida Iyo Maanta 29 Oktoobar 2026, 16:59, Muddada 1,00,00
Barnaamij aan ku eegno wararkii ugu dambeeyay ee caalamka iyo Soomaalida.














































































