Jump to content

Arizona

41°15′N 96°0′W / 41.250°N 96.000°W / 41.250; -96.000

Kani waa maqaal ku saabsan gobolka Arizona, Maraykanka.
Boga "AZ" halkan ayaa laga soo toosiyay.
Gobolka Arizona
Flag of Arizona Seal of Arizona
Calan Astaan
Naaneys: Gobolka Buuraha Waaweyn;
Gobolka Naxaasta
Halkudhig: "God Enriches" micne: "Alle waa ku qaniyen
Heesta Gobolka: "The Arizona March Song" iyo "Arizona"
Map of the United States with Arizona highlighted
Map of the United States with Arizona highlighted
Luuqada DowligaIngiriis
Luuqado KaleKa soo biloow 2010
BulshoArizonan[1]
Magaalo-madaxPhoenix
Caasimada ugu weynmagaalo-madax
MetropolitanDeegaanka Phoenix metropolitan
DeegaankaBaaxada 6aad
  Wadar113,990[2] sq mi
(295,234 km2)
  Balac310 miles (500 km)
  Dherer400 miles (645 km)
  % biyo0.35
  Lool31°  20′ N ilaa 37° N
  Dhigo109°  03′ W ilaa 114°  49′ W
BulshadaHeerka Bulshada 15aad
  Wadar6,731,484 (2014 qiyaas)
  Cufnaanta57/sq mi  (22/km2)
Tirada Dadka 33aad
Jooga
  Barta ugu sareysaHumphreys Peak[3][4][5]
12,637 ft (3852 m)
  Dhexdhexaad4,100 ft  (1250 m)
  Barta ugu hooseysaWebiga Kolorado kaga biiro Dooxada Sonora[4][5]
72 ft (22 m)
Gobolnimada Ka HorDhulka Arizona
La Midoobay WadankaFebraayo 14, 1912 (48aad)
BadhasaabkaDoug Ducey (Jamh)
Gudoomiyaha GobolkaMichele Reagan (Jamh)
XeerdejintaXeerdajinta Arizona
  Golaha GuurtidaGuurtida Arizona
  Aqalka HooseGolaha Wakiilad Arizona
Xubnaha GuurtidaVacant
Jeff Flake (J)
Aqalka Wakiilada5 Jamhuuri ah iyo 4 Dimuqraadi (diiwaan gashan)
Soonka Wakhtiga 
 • inta u badan gobolkaMountain: UTC -7 (no DST)
 • Navajo NationWakhtiga Buuraha: UTC -7/-6
ISO 3166US-AZ
Loo soo gaabiyaAZ, Ariz.
Websitewww.az.gov


Arizona (/ɛrɪˈznə/ ; /ærɪˈznə/); O'odham: Alĭ ṣonak) waa gobol dhaca koonfurgalbeed wadanka Maraykanka.

Image
Ubaxa tiinka Saguaro ee gobolka Arizona caanka ku tahay.

Gobolka Arizona wuxuu sidoo kale ka mid yahay Gobolada Galbeedka Maraykanka iyo Gobolada Buuraleyda Galbeedka. Arisona waa deegaanka lixaad ee ugu weyn wadanka iyo mida 15aad ee ugu bulshada badan kontonka gobol ee wadanka Maraykanka. Magaalo-madaxda iyo caasimada ugu weyni waa Phoenix. Sidoo kale, gobolka Arisona wuxuu xad la leeyahay gobolada Meksiko Cusub, Utah, Nevada, kalifornia, iyo wadanka jaarka ah Meksiko, iyo xad kooban oo dhaca koonfur galbeed gobolka Kolorado. Gobolka Arisona wuxuu la wadaagaa dalka Meksiko xad dhererkiisu dhan yahay 389 mayl (626 km), kaasi oo fidan waqooyiga gobolada Meksiko ee lagu magacaabo Sonora iyo Baja Kalifornia.

Dhinaca kale, Arisona waa gobolka 48aad iyo kan ugu dambeeyay ee ku biira Midowga Maraykanka, ayada oo heshay magaca gobolnimada Febraayo 14, 1912kii. Wakhtigan wixii ka horeeyay waxay ka tirsanayd deegaanada loo yaqaaney Alta Kaliforniya ee mar ahaan ka tirsanaan jirey Boqortooyadii Isbayn ee markii dambe xoriyada siisey wadanka Meksiko, dowlada Maraykanku xooga kaga qabsatey Meksiko dagaalkii Meksiko iyo Maraykanka.

Guud ahaan, gobolka Arisona wuxuu caan ku yahay cimilada iyo deegaanka lamadegaanka ah; waxaana lagu yaqaanaa kuleyl iyo hanfi wakhtiga xagaaga iyo gu'ga, iyo cimilo degan wakhtiga jiilaalka ah. Waqooyiga Arisona waxaa ka baxa dhir badan oo keymo ah kuwaasi oo leh noocyo badan oo dhir ah sida geedka Douglaska, spurseka iyo wixii la mid ah. Sidoo kale gobolkan Arisona wuxuu leeyahay deegaano aad u sareeya oo dhul sare ah, kuwaasi waxaa ka mid ah barta gobolka ugu sareeysa ee Humphreys Peaks oo joogeedu dhan yahay 12,637 ft (3852 mitir), buuraha San Fransiisko iyo Kolorado Plateu.[6]

Magaca gobolkani wuxuu u muuqdaa inuu asal ahaan ka yimid ereyga Isbaanishka Arizonac, kaasi oo laga soo amaahdey erey luuqada O'odham-ka alĭ ṣonak, taasi oo micnaheedu tahay "dayrtii yarayd", taasi oo la odhan karo wuxuu ka turjumayay biyo yarida iyo roob la'aanta ka jirtey deegaanka.[7][8][9][10] Tani waxaa taageeraya xaqiiqada ah in ilaa maanta loo yaqaano luuqada alĭ ṣonak ee afka O'dhamya.[11] Erey kale oo macquul ah waxaa laga so xigtay luuqada Basque, waa ereyga haritz ona oo micnahiisu tahay "geedo yare".[12][13][14]

Fikrado kale ayaa jira oo ku adkeeysanaya in magaca Arizona ka yimid ereyga Isbaanishka ah ee "Arid Zone" oo micne ahaan noqoneysa "Deegaankii Qalalnaa".[15]


Image
Deegaanada sare ee ku soo darsama webiga Kolorado.


Gobolka Arizona wuxuu dhacaa koonfurgalbeed wadanka Maraykanka, waxaanu ka tirsan yahay gobolada Galbeedka wadanka Maraykanka. Sidoo kale Arizona waa gobolka lixaad ee ugu baaxada weyn kontonka gobol ee wadanka, waxaana ka weyn Meksiko Cusub waxaana ka yar Nevada. Intaas waxaa dheer gobolku wuxuu ku fadhiyaa baaxad dhan 113,998 mayl isku wareegsan, taasi oo ilaa 15% tahay dhul si khaas ah loo leeyahay. Inta soo hadhay waxay iskugu jirtaa keymo waaweyn, beero raaxo dadweynaha, dhul u gaar ah gobolka iyo keydka dadka asal ahaan loogu yimid qaarada Waqooyiga Ameerika ee loo yaqaano Hindida Cas. Inta ugu badan gobolka Arisona waa lamadegaan, dhul joog sareeya iyo deegaano qalalan oo ay ka baxaan kaliya geedka Tiinka.

Gobolada Maraykanka

[wax ka badal | wax ka badal xogta]


Magaalooyinka Maraykanka Gobolada Isku Tegay ee Ameerika
Atlanta  · Austin  · Boston  · Baltimore  · Bloomington  · Kolumbus, Ohio  · Chicago  · Dallas  · Denver  · Detroit  · Houston  · Honolulu  · Kansas City  · Los Angeles  · Las Vegas  · Memphis  · Miami  · Minneapolis · New York  · Nashville  · Oakland  · Omaha  · Orlando  · Phoenix, Arizona  · Portland  · Philadelphia  · Rochester  · San Antonio  · Saint Paul  · San Diego  · Seattle  · San Fransisko  · Washington D.C


Gobolada Maraykanka Gobolada Isku Tegay ee Ameerika
Alabama  · Alaska  · Arizona  · Arkansas  · Delaware  · Florida  · Fermont  · Firjiniya  · Houston  · Gobolka Joorjiya  · Gasiirada Rhode  · Galbeedka Firjiniya  · Hawaii  · Idaho  · Illinois  · Indiana  · Iowa · Kansas  · Kentucky  · Kalifornia  · Kolorado  · Konektikat  · Koonfur Karolina  · Koonfur Dakota  · Louisiana  · Maine  · Maryland  · Massachusetts  · Mishiigan  · Minnesota  · Mississippi  · Missouri  · Montana  · Nebraska  · Nevada  · Hampshire Cusub  · Jersey Cusub  · Meksiko Cusub  · New York (gobol)  · Ohio  · Oklahoma  · Oregon  · Pennsylvania  · Tennessee  · Tegsas (Texas)  · Utah  · Wyoming  · Washington (gobol)  · Waqooyi Karolina  · Waqooyi Dakota
  1. "Arizona – Definition and More from the Free Merriam-Webster Dictionary". Merriam-webster.com. April 25, 2007. Retrieved December 28, 2011.
  2. "2010 Census State Area Measurements and Internal Point Coordinates". U.S. Census Bureau. Retrieved February 14, 2012.
  3. Template:Cite ngs
  4. 1 2 "Elevations and Distances in the United States". United States Geological Survey. 2001. Archived from the original on July 22, 2012. Retrieved December 28, 2011. {{cite web}}: Unknown parameter |ciwaan= ignored (help); Unknown parameter |dead-url= ignored (|url-status= suggested) (help)
  5. 1 2 Elevation adjusted to North American Vertical Datum of 1988.
  6. All about Arizona. sheppardsoftware.com. Retrieved September 21, 2010.
  7. Bright, William (2004). Native American Place Names of the United States. Norman: University of Oklahoma Press, pg. 47
  8. Kitt, E. O.; Pearce, T. M. (1952). "Arizona Place Name Records". Western Folklore. 11 (4): 284–287. doi:10.2307/1496233.
  9. Harper, Douglas. "Arizona". Online Etymology Dictionary. Retrieved December 28, 2011.
  10. McClintock, James (1916). Arizona, Prehistoric, Aboriginal, Pioneer, Modern: The Nation's Youngest Commonwealth within a Land of Ancient Culture. Chicago: The S.J. Clarke Publishing Co.
  11. Saxton, Dean, Saxton, Lucille, & Enos, Susie. (1983). Dictionary: Tohono O'odham/Pima to English, English to Tohono O'odham/Pima. Tucson, AZ: The University of Arizona Press
  12. Thompson, Clay (February 25, 2007). "A sorry state of affairs when views change". The Arizona Republic. Archived from the original on August 1, 2007. Retrieved March 3, 2007. {{cite web}}: Italic or bold markup not allowed in: |publisher= (help); Unknown parameter |ciwaan= ignored (help); Unknown parameter |deadurl= ignored (|url-status= suggested) (help)
  13. Jim Turner. "How Arizona did NOT Get its Name". Arizona Historical Society. Archived from the original on August 2, 2007. Retrieved March 3, 2007. {{cite web}}: Unknown parameter |ciwaan= ignored (help); Unknown parameter |deadurl= ignored (|url-status= suggested) (help)
  14. Donald Garate, 2005, "Arizonac, a twentieth-century myth", Journal of Arizona History 46(2), pp. 161–184
  15. Thompson, Clay (February 11, 2007). "No, 'arid zone' not the basis of state's name". The Arizona Republic. Retrieved December 29, 2014. {{cite web}}: Italic or bold markup not allowed in: |publisher= (help); Unknown parameter |deadurl= ignored (|url-status= suggested) (help)